Dhagxaan lasoo dhigay wadooyin muhiim ah

0
111

Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira cabsi laga qabo dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhaca magaalada.

Jidadka muhiimka sida Waddada Maka-Al-mukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba oo dhamaantood lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa maanta in magaalada lagu qabto dibadbax taageero loogu muujinayo Dowlada, hasse ahaatee taa badalkeeda waxaa laga war helay qorshe kale oo ah in la qaban qaabinayo dibadbax looga soo horjeedo isla dowladda waana tan keentay in gabi ahaanba dibadbaxyadaasi la joojiyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee dowlada ayaan marnaba u muuqan mid rabta inay ka tanaasusho qaabka ay rabto inay howsheeda ku fuliso taasoo ka dhalan karta caqabad aan wax faaiido ah ugu jirin shacabka somaaliyeed