Wefdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta gaaray magalada baydhaba

0
65

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa si weyn ugu soo dhaweyay wafdiga uu hogaaminayo Mursal garoonka Baydhabo, maamulka Koonfur Galbeed, iyo labada gole ee maamulkaas iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mursal ayaa waxa safarkiisa ku wehlinaya xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, isla markaana ay tahay deegaan dootashadoodu magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.

Mursal iyo xubnaha kale ayaa ka qeyb gali doona munaasibad ka dhaceysa magaalada Baydhabo, taasi oo ah sanad guuradii labaad ee doorashadii macmalka aheyd ee uu xilka ku qabtey Cabdicasiis lafta gareen.