Booliska gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa maanta aroortii hore bartamaha magaalada Brisbane ku toogtay wiil Soomaali oo da’diisa lagu sheegay inuu ahaa 22-jir.
Raage Maxamed Caabi, oo ah wiilka ay dileen booliska gobolka Queesland ayaa hore u wajahayey dacwado aan cadeymo buuxa loo helin, sida uu sheegay aabaha dhalay wiilkaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga.
Booliska toogtay ayaa qiil uga dhigtay falkaasi inuu Raage halis geliyay naftooda, kadib markii ay sheegen in uu midi ku hubeysnaa xiliga ay tooganayeen askartu.
Aabaha dhalay Raage ayaa sheegay in wiilkiisa uu hore cadaadis xoogan kala kulmi jiray ciidamada booliska, kuwaasi oo sanad hore maxkamad ugu soo taagay eedeymo xagjirnimo oo aan markhaatiyaal ku filan loo helin.
Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray sheegashada booliska ee u horseeday inay dilaan wiilkiisa, oo aheyd in toogashadu timid kadib markii uu weerar mindi ah ku qaaday Raage Maxamed.