Dowladda Kenya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wada xuduudda Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari la wadaagto Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Kenya ayaa Jimcihii waxay is bedel ku sameysay Ciidamadii Booliska ee xuduudda ilaalin jiray, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u qalabeysan.
Ciidamada ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda goobta iyo qoriga ridada dheer ee Altalariga, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Halka loo yaqaano saddex geesoodka ee saddexda dal (Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya) kulmisa ayay Kenya soo dhoobtay kun iyo shan boqol oo askari, kuwaa oo sida la sheegay u badan askar militari ah, oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida Kenya degto ee NFD.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay ku soo aadayan, xilli maalmihii la soo dhaafay ay xiisad ku soo korortay xuduudda labada dal, iyadoo ay dadka deegaankuna ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo.