Ciidamada Mareykanka kaga sugan Soomaaliya ayaa bilaabay qorshahooda bixitaanka, waxaana la sheegay inay u wareegayaan Saldhigyo kale oo ku yaal qaar kamid ah wadamada Bariga Afrika.
Sidda uu baahiyay Televionka CNN ee laga leeyahay Mareykanka waxaa la howlgeliyay Guddiyo la socda howlgallada Mareykanka ee Afrika si loo dejiyo Goobo kale oo ku yaal dalalka Afrika, sida Jabuuti iyo Kenya.
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsed ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka oo ballaarin doonaan howlgaladooda Afrika si loo caawiyo dowladaha ay dhibaatada ku hayaan waxa loogu ueero Argagaxisada.
Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa daad gureyntooda waxaa ka qeyb qadanaya Markab nooca dagaalka ah oo dhawaan mareykanka uu u soo diray Xeebaha Soomaaliya iyo kuwo lagu qaadayo Diyaarado.