Maamulka Puntland ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii GATI kala wareegtay dowladda Talyaaniga oo usoo wakiilatay hay’addeeda iskaashiga horumarinta.
Gargaarkaan oo gaarayay 13 Tan oo isugu jiray qalabka gargaarka iyo xirmooyinka caafimaadka, ayay dowladda Talyanaiga ugu talo gashay si looga jawaabo daadadkii ugu dambeeyay ee ka dhashay duufaantii GATI.
Wasiirro katirsan maamulka Puntland, ayaa shixnadan kula wareegay magaalada Bosaso halkaas oo ay soo cago dhigatay diyaarad xamuul ah oo gargaarkan xalay kasoo qaaday magaalada Brindisi ee gobolka Apulia ee koonfurta Italy.