Dowlada oo loogu baaqay inay wax ka qabato cabashada doorashooyinka

0
98

Warmurtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Djibouti.

Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay soo afjaraan ismariwaaga ka taagan doorashooyinka laguna taagnaado heshiiska doorashada ee bishii September.

War murtiyeedka ayaa ugu baaqay dowladda federalka in ay dhameyso ismariwaaga ka taagan hannaanka doorashada, lana xushmeeyo heshiisyadii Dhuusomareeb iyo Muqdisho lagu gaaray.

War murtiyeedka laguma xusin khilaafkii u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, balse waxaa jira warar sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qabtay kulan si gaar ah loogu dhex dhexaadinayay laguna qanciyay in dhexdooda ay ka heshiiyaan khilaafka.