Ciidamada kala duwan ee maamul Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay howlgal culus ka sameeyeen Xaafadaha qaar ee ku yaal Waqooyiga Magaaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalka oo laamaha Amniga Puntland ay ku wehlinayeeen kuwa hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa waxaa ay ku baarayaan Guryaha ku yaal Koonfurta Gaalkacyo iyo Dadweynaha wadooyinka maraya qaarkood.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Puntland ay ku qabteen dad kor u dhaafaya 300 oo Ruux, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo si baaritaano loogu sameeyo.
Saraakiil ka trirsan laamaha Amniga Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga maadaama dhawaan uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka dhacay qarax ay ku dhinteen saraakiil ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay qaarkood la siidaayay halka kuwo kale oo ay ka shakiyeen ay baaritaano ku hayaan, cidii dambi lagu helana tallaabo laga qaadi doono.