Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur jaamac oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa Maanta la kulmay dhigiisa dalkaas Abdulhamit Gül,.
labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Wasaaradood iyo hormarinta arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda, sida uu sheegay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda dalka Turkiga Abdulhamit Gül ayaa sheegay in dowladda turkiga ay Soomaaliya ka caawin doono dhinaca horumainta Hay’adaha Garsoorka, isla markaana la dardar gelin doono.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wafdiga la socda ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Turkiga.