Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.
Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.
Tallaabadaan uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya ayaa daba socota qoral uu dhawaan soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in dastuurka dalka uu la dhacayo Baarlamaanka 10aad, hadii aan la badbaadin, isaga oo ku baaqay in labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya inay kulan deg deg ah ka yeeshaan.