War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsan Al-Shabaab mid kalena ku dhaawaceen, isla markaana weerarkaasi duqeynta ah uu yahay mid ay ku taageerayaan Ciidamada Dowladda sida lagu sheegay warka kasoo baxay taliska.
Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sameeyeen lago ogaaday in aysan wax ku noqon dad rayid ah.