Golaha musharixiinta oo soo dhaweeyey dadaalada ay wadaan maamulada galmudug iyo puntland

0
68

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Deni iyo Qoor Qoor oo Khamiistii ku kulmay Gaalkacyo ayaa qoraal ay soo saareen waxa uu qodob ka mid ah u dhignaa “Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021. Sidaa darteed ayadoo la dhawrayo heshiiskii lagu gaaray 17kii September 2020 Magaalada Mogadishu, Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.”

Musharixinta ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay dadaal ay sheegeen in Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka.