In ka badan 20 tahriibayaal oo meydkooda laga helay bada

0
159

Dowladda Tuniisiya ayaa sheegtay in la helay Maydadka 20-ruux oo Tahriibayaal ah, halka Kooxaha Gurmadka ay ku howlan yihiin raadinta Dad kale oo aan nolol & geeri lagu heyn, balse gurmadka baadigoobkoodu socdo.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Doonida oo uu culeys badan saarnaa isla markaana xaaladdeedu liidato, ayaa waxaa soo food saaray dabeylo xoog leh oo laga yaabo inay ka qeyb qaateen degitaankeeda, afhayeenka ilaalada qaranka Cali Ayari ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Dowladda Tunisia Ma aysan sheegin dhalashada Tahriibayaashaan Afrikaanka ah ee doonta la degtay, waxaana lagu wadaa in marka ay soo gaba-gabeeyaan howlgalka raadinta dadka maqan in ay soo gudbiyaan dalalka ay kasoo kala jeedaan.