Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta aroortii hore bilaabay howl-galo balaaran oo lasheegay in lagu sugayo aminiga isla markaana lagu bartilmaameysanayo shacabka kasoo jeeda koonfur galbeed.
Ciidamada ayaa baaritaano ku bilaabay xaafadaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, kuwaasi oo kasoo qab-qabtay boqolaal dhalinyaro oo intooda badan kasoo jeeda deeganada koonfur galbeed.
Tallaabadan ayaa imaneysa xili ay shalay heshiis lagu xoojinayo amaanka wada gaareen madaxda Puntland iyo Galmudug, kadib markii uu dhawaan qarax ay ku dhinteen mas’uuliyiin, saraakiil iyo dadweyne badan uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada amaanka ayaa iyagu baaritaanada ku xoojinayo amaanka magaalada, iyada oo looga dan leeyahay in looga sifeeyo dadka aan deegaanka u dhalan ee halkaasi u yimid inay ka sameeyaan nolol.
Falkan ay sameynayaan maamulada puntland iyogalmudug ayaan aheyn mid cusub dhagaha shacabka kasoo jeedadeeganada koonfur galbeed dhowr mar oo horey ayaa sidan oo kale loo bar tilmaameystey