Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u warramayey warbaahinta dowladda ayaa beeniyey hadal kasoo yeeray Kheyre, kana warbixiyey sida ay dhaqaale ahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu diyaar garowday qabashada doorashooyinka soo socda ee dalka.
Beyle ayaa shaaciyey in lacagta ku bixeysa doorashada lagu qiyaasay illaa 40-milyan oo Dollar, islamarkaana ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo beesha caalamka.
Wasiirka ayaa xusay in 10% oo u dhiganta 4 milyan oo Dollar ay bixinneyso dowladda Soomaaliya, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-ka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacagahaasi aan loo adeegsan doonin si qaldan, islamarkaana kaliya lagu bixin doono qabashada doorashada.
Ugu dambeyn wuxuu ka jaawabay eedeyntii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ee aheyd in dowladda Soomaaliya laga jaray dhaqaalaha qaar ee ay ka heli jirtay saaxibada caalamka.