Wefdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha aqalka sare oo gaaray magalada garowe

0
110

Wefdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi xaashi cabdullahi ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdiga guddoomiye cabdi xaashi ayaa waxaa kamid ah Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo Xubno kale,waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni & mas’uuliyiin kale.

Ujeedada wafdiga Guddoomiyaha golaha aqalka sare ay u tageen magalada garoowe ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe.

Shirka ayaa sanadkan waxaa sidoo kale ka qeyb-geli doona inta badan xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha, qaar kamdi ah madaxda dowlad goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya)