Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Kormeeray Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo uu dhismo ka socdo.
Guddoomiyaha & Xubnaha la socda ayaa indha-indheeyay sida uu u socdo dhismaha wadada oo haatan meel geba-gabo ah maraya, wadadaas oo loo dhisayo laba qeybood oo gawaarida ay isku dhaafi karaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in muddo laba todobaad gudahood ah lagu soo geba-gabeyn doono dhismaha wadada laamiga ah ee xiririirisa Muqdisho & Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay, waxaana hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha Wadada Xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.