Reysulwasaare Rooble oo sheegay inay la fariisan doonaan cid kasta oo cabasha qabta

0
106

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta ka biyo-diidan doorashada, isaga oo sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay qacinta cid kasta oo tabasho ka qabta doorashada.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xaalada dalka ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is dajiyaan kuna kalsoonaadaa xukuumadda uu hoggaamiyo, isaga oo balan qaaday in ay dalka ka dhici doonto doorasho hufan oo loo siman yahay.

Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili wali khilaaf weyn uu ka jiro hannaanka loo marayo doorashada dalka, dhinaca kalana guddiga doorashadu ay soo saareen jadwal muddo kooban ku soo dhameystiraya doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.