Magaalada Baydhabo ayaa waxaa goordhow ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka Magaaladaas.
Boqolaal qof ah oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda weerarkii maalin kahor lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciyaartooydii meteleysay Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay Muqdisho
Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno Gobolka Banaadir, doonimeyno Cadaalad darro iyo erayo kale oo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii lagu dhaawacay Ciyaatooydii Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Ciyaartooyda Koonfur Galbeed aysan marti ku aheyn Muqdisho, isla markaana dowladda Federtaalka ka dalbaday inay si deg deg ah uga Jawaabto weerarkii lagu qaaday Ciyaartooydii, kuwasi oo la sheegay inay weerareen taageerayaasha xulka Gobolka Banaadir.