Axmed madoobe oo qudbadii uu ka jeediyey garowe runta ugu sheegay dowlada dhexe

0
140

Waxey aheyd khudbad adag oo madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland oo uu ka jeediyay shirka Aragti Wadaag ee ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ayaa diirrada lagu saarayay qoddobo xasaas ah oo ay ka mid ahaayeen Arrimaha Federaalisamka iyo Doorashada, waxaana qeyb ka ah madaxda Dowladda Soomaaliya, madaxda Dowlad Gobolleedyada, midowga musharixiinta iyo marti-sharaf kale oo kor u sii dhaafeysa ilaa 400 oo ergo ah.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland ayaa si furan uga hadlay wax isku hayaan isaga iyo Dowladda Dhexe gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu hadalka u dhiggay weerar qaawan oo cad ku soo qaaday deegaanno ka tirsan dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Gaar ahaan waxaa uu diirada saaray ciidamada ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gobolka Gedo ee lagu sheegay in ay halkaa ka ilaalinayaan xudduuda Kenya, balse Axmed Madoobey uu ku tilmaamay ciidamo laga leeyahay dano KMG oo siyaasadeed.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in uu suuqa ka maqlay in shirkii ugu danbeeyay ee dhaxmaray Madaxda Qaranka iyo Dowlad Gobolleedyada lagu heshiiyay in xildhibaannada Gobolka Gedo uu qaato madaxweyne Farmaajo sidaana ay balantu aheyd.

Axmed Madoobey ayaa dhinaca kale uga diggan dowladda Soomaaliya in aysan qaban doorasho aysan ku jirin Jubbaland iyo Puntland oo aan wali qeyb ka aheyn hannaanka wax loo maamulayo.