Gudoomiye Mursal oo garowe kula kulmay madaxweynihii hore

0
87

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud .

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha muranka ka taagan yahay doorashooyinka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labaduba Garoowe uga qeyb-galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxaa ay la kulmeen Madax kala duwna oo ka tirsan dowladda & Mucaaradka.