Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Maanta khudbad ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ee ka socda Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xal rasmi ah oo deg deg ah laga gaaro Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay, si ay u dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo la isla ogol yahay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadii aysan dhicin xalka gaarista Arrimaha doorashooyinka ay dhici karto in lala kulmo caqabado ka waaweyn howsha ay u joogaan Garoowe ee ah xalinta muranka doorashooyinka.
Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya Shirka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ku baaqeen in xal deg deg ah laga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka ee uu muranka ka taagan yahay.