Waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda isugu jira Mucaarad iyo muxaafid oo halkaasi ku wada sugan.
Xalay waxaa Magaalada Garoowe ku kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Kulanka oo ahaa salaan & isxog-wareysi ayaa labada mas’uul oo bilihii la soo djaafay ku kala maqnaa aragti siyaasadeed ayaa waxaa ay isla soo qaadeen xaalada dalka iyo muranka kajira doorashooyinka.
Labadan masuul ayaan kulan sidan oo kale ah yeelan tan iyo intii xukunkalaga ceyrshey xasan cali kheyre walow uu ahaa kulan waqti kooban u socdey labada masuul