Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal digniin ah oo ku saabsan qandaraas shati bixin shidaal oo ay Wasaarada Bartoolka galeyso u diray Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada, labada Golle ee Baarlamaanka, Xeer ilaaliyaha & Hanti dhowraha Qaranka.
Qoraalkan oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan qorsheyneyso in qandaraas shati bixin shidaal la gasho shirkadda Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty, iyada oo looga digay tallaabadaas.