Madaxweynaha maamulka galmudug oo kulan la qaatey ergeyga qaramada mideebey

0
112

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay qaramada Midoobay dadaalka ay ku bixineyso geedi-socodka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhankiisa markale ku celiyay inay muhiim tahay in Madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada & saamileyda kale inay ka wada hadlaan xalna ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.