Afar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka iyo duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.
Shirkadaha ayaa ku heshiiyay in qofka weyn ee doonaya inuu ka safro Muqdisho una safro Nairobi uu bixinayo 260$ halka caruurta ay bixinayaan 230$, waana qiimo saa’id ah maadaama markii hore uu ahaa 140$.
Wakiilada ka socda shirkadaha ku heshiiyay qiimo kordhinta oo kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa arrimahaan kala hadlay wasiiradda gaadiidka ee maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxeyna markaan doonayaan iney arintaan ka dhaadhiciyaan maareyayaasha garoomada iyo Wakiilada hay’adda Duulista Hawada.
Shirkadahan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay kordhiyaan qiimaha Tikit-ka lagu raaco diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka iyaga oo go’aamiyey in ay joojiyaan tartanka u dhexeeya ee dhinaca qiimaha iyo adeegga, sidaas awgeed waxa ay ku heshiiyeen hal diyaarad oo keli ah ay tagto maalinkii halkii ay laba ilaa saddex diyaarad geli jireen duulimaad maalinkii.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli ka hadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka.