Waa maxay qatarka ka imaan karta xaraashka shidaalka

0
118

Xaraashka Shidaalka Qasaarihiisa Guud ee Soomaali oo dhan uu u leeyahay marka laga soo tago waxa uu gaar ahaan Rer KG/ Shabeelaha Hoose Qatar Gaar ah buu noo leeyahay.

  1. Waa Qasaare Guud Dalka oo dhan.
    Xukun Sharci ah iyo nidaam Dowli ku dhisan oo lagu kalsoonaankaro Dalka kama jiro.

Waa MW. #Farmaajo oo 34 cisho u harsantahay xiligiisa .
Waa Baarlamaan waqtigiisii dhamaaday.

2.KG. Maamul Umada 3daas gobol ku qanacsantahay nidaam iyo Qanuun haga leh kama jiro.

Waxa jooga waa #Laftagareen oo la keensaday kursi Dhiig loo daadiyey ku fadhiya madaxna kuu sheeganaya.

  1. Dalka iyo gaar ahaan Deegaanadeena Amni kama jiro Maamul ahaana anaga ma maamulno Wax afka laga sheegto kuma darin.

Nidaamka Gobolka Sh.hoose kuma dhisna Qaab sharci maamul ah oo hoos laga soo dhisay. Tusaale; 8da degmo ee Gobolka ka kooban yahay xildhibaano ama Gole Deegaan ama Gole Gobol ka socda ma soo dooran maamulka ..ee nin xoog lagu keensaday laguugu qasbay Baa qof kale sii keensaday waliba tashi la’an dadka gobolka dagana la weydiin waliba la leeyahay Dhaqaale iyo dano kale aa jira…….

4.Reer Shabeelaha hoose Wali Siyaadada ama masiirka Gobolkooda waxba lagama weydiiyo .

  1. Dadka ku matala Gobolkaan Sh.Hoose DF iyo KG micno iyo miisan midna kuma lahan meelaha ay ku jiraan ……
    Micnaheyga Ogolaansho ama diidmo midna lama weydiinayo iyagaaba gacan ku gabad ah.

6.Gobolka Shabaab iyo Maleeshiyo beeleed Shaar dowlo gashan baa meel waliba jooga….

7.Dadka Gobolka malahan Badiil inta aan soo sheegay ka difaaci kara Hadal iyo gacanba.

8.Gobolka Barakicin iyo Deegaan guuris aa kusocota dadka asalka u ah.

9.Gobolka Shacabka hada kunool ee Asalka ah
Waa kuwo nolosha lagu cariiriyey….barakac ku ah dhulkooda….Beerahooda la boobayo isbaaro wado waliba loo taagan yahay.

Waa lasii wadi karaa …..

Aan u soo dago Nuxurka hadalkeyga.

Heshiiskan Shidaalka waxaa lala galayaa shirkadaha kala ah #Liberty………iyo #Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- Som Oil and Gas oo Ra’iisulwasaarihii hore #Kheyre Share ku leeyahay.

waxaa miiska saaran oo saxiixanba in Shirkada Libertina 3 Block Shidaal ah la siiyey berina la shaacin doono.

Shirkadda Liberty waxa ay Bixisay aa lana leeyahay Lacag dhan $ 120 Million oo ey toos ugu shubeyso Bangiga dhexe ee Somaliya taasoo ah marinhabaabin Borbogaanda ah oo saxiixayaasha heshiiskan ay sameeynayaan si Dadka looga dhigo in Dowladu lacag badan Qasnada Dalka ku shubeyso.

Laakin xaqiiqda waxa waaye in Lacag yar oo #Bonus ah ay bixinayaan Shirkadahan taaso ah Halkii Blockba $2 Million oo Dolar, ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay
Taasoo isku dar waxa lagaa qaaday ay tahay 12 Million Dolar oo kaliya oo loo qeybinaayo Maamul goboleedyada Dalka si loo indho saabo Shacabka Goboladaas.

Waxaa iyadana meesha ku jirta in Rag dalaalin Soomaali ah Siyaasiyiin ku jiraan in wax gooni ah la siiyey si ay Difaac ugu noqdaan mashruucan.

Waxaa kaloo iyana jirta in 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah: 1- Banadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Juba land. iyo 6. Somali land iyagana xoogaa Sharuur yar la siiyey.

Waxa kaloo xog Dhab ah ku helay in Xaraashkan door muhim ah ku leeyihiin Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano iyo Sanatooro Soomaaliyeed kuwaasoo Reero gaar ah ku kooban..

FG. Siyaasiyiinta Gancsatada Reer KG kuma jiraan Qorshahaan ….waana xaqiiqo aad ogaan karto.

Xogahaan waxaan si gaar ah ugu helay dad Rer KG ah oo wasaaradaha Petroolka DF iyo KG ka tirsan oo ka xun waxa socda laakin aan waxba ka qaban karin sidaas igula wadaageen xogahan muhiimka noo wada ah.

Waxaa kalo ay xogtaan ii xaqiijisay in Heshiiskaan uusan ku faraxsaneyn Laftagreen laf ahaantiisa laakin uu ku qasbanyahay maadama Sayidkiisa Farmaajo iyo xulafadiisa Dan ugu jirto Heshiiskaan boobsiiska ah isagana uusan ka hor imaankarin.(????????).

Waxaa kaloo dhab ah iyana in Maamulka Shirkadahaas iyo Dhaqaalaha tooska ah iyo dadban laga sameyndoono in Dad gaar ah ay ku kooban tahay.

Goobaha ama Block yada Shidaalkan laga soo saarayo waa Zona..Deg.Baraawe ilaa Marko….. bada Ku aadan ah oo Gobolka Sh.Hoose ka tirsan iyo 2Block oo Mudug dhanka Galmudug xigta ah.

Shirkadaha logistikada Shidaalka iyo howl wadeenada ugu badan ee muhiimka ah dhamaan waa Dad gaar ah deegaano qaas ah ka soo jeeda .

KG door kuma lahan meeshaas xitaa Mustaqbalka,waayo waa lakala saxiixday howshaas.

Laakin Laftagaree Shaqsi ahaan inta uu meesha joogo wax isiga Shaqsi ahaan u gaar ah waa lagu laaluushaa hase ahaatee Qasaarese anaga ay nootaalaa, KG….Gaar ahaan Gobolka Sh.Hoose.

Xaalufin kaluunka Bada ku jira, Cuduro iyo nabaad guurka dhulkana waa na sugee.

Heshiiskaasi waa Qiyaano Qaran oo Guud iyo mid gaar nagu ah anaga waana Sharci daro.

waxaan idin sheegaa in Maharto weyn oo xun nagu yeelan doonto qorshahan Heshiiska Boobsiiska ah ee lala ordaayo oo Sharci darada ah.

Soomaaliyeey iyo Reer KG……Qoraalkaan. ….igama ahan Mucaaradad ee waajib isaarnaa baan gudanayaa.
Qaranimada Ama wadaniyada ma ahan mid afka laga sheegto un ee ficil baa la rabaa…..

Koleey dadka aan la hadlaayo qaarkood hadeey maanta la noqoto warkeyga wax kale beri beey arki doonaan.

Aan gacmaha is qabsabsano Dalkeena iyo Deegaankeena Xaraash ma ahan aan dhahno.

Qore.cabdiraxman Sheikh maxamed