Ugandha oo sheegtey inay somaliya kala bexeyso qaar kamid ah ciidamadeeda

0
57

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in dowadiisa ay Somaaliya kala baxeeyso CIidamo sigaar ah u tababaran, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM.

Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha sugida Amniga doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaasi Uganda 14-ka Bishaan si looga feejignaado falal amni darr oo dhaca.

Ciidmada ayuu sheegay inay sigaar ah u ilaalin doonaan Amniga Guud ee Caasimadda daka Uganda ee Kambala, isla markaana ainay Soomaaliya Ciidamada kala baxaan ay ku qasabtay sababo la xiriira dhanka Amniga.

Dowladda Uganda ayaa ah dowladda ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo Ciidamada dowladda ka taageeraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.