Liiska illaa 12 Safiir oo maanta loo soo gudbiyay Golaha Wasiirada oo dib loo celiyey

0
65

Liiska illaa 12 Safiir oo maanta loo soo gudbiyay Golaha Wasiirada, si loo meel mariyo ayaa dib loo celiyay, kaddib markii qaar ka mid ah Wasiirada ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga, maadaama xubnaha la soo gudbiyay ay hal beel u badnaayeen.

Guuxa ugu weyn ayaa waxaa uu ka yimid Wasiirada ka soo jeeda Koofur Galbeed oo saluugay habka awood qeybsiga iyo hal beel in loo sadbiyay. Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib u celiyay magacaabisda Safiiradq gaarayay 12 xubnood.

Magacaabista Danjirayaasha cusub ayaa waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq, waxaana xubnaha uu soo jeediyay ka mid ahaa ee Safiirada loo magacaabayo Wasiiru dowlihii hore Wasaaradda Arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.