Qarax kol dhaweyd ka dhacay km4

0
97

Qaraxa si weyn jugtiisa oo looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa kol dhaweyd ka dhacay KM4, gaar ahaan Waddada hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan

dad ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacayay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamado ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta marayay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaa markiiba goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya khadar kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada uu qaraxu ka dhacay.