Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in aysan wax jawaab ah kasoo noqon Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii uu waday ee ahaa in la dhameeyo tabashooyinka ay ka qabaan doorashada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu Garowe kula kulmay inuu kasoo qaaday saddex qodob oo ay ka dalbadeen madaxda qaranka in la fuliyo.
Wuxuu sheegay markii uu Muqdisho tagay ee uu la kulmay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha inuu u gudbiyay qodobadii ay dalbadeen labada maamul, kadibna wuxuu sheegay in ay madaxda dowladda federal kasoo jawaabeen, uuna gudbiyay madaxweynayaasha labada maamul.
Balse, madaxweyne Qoor qoor wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in wali Puntland iyo jubbaland aan jawaab ah kasoo noqon.
Waad ku mahadsantihiin tebinta aad noosoo tebisaan wararka.
Comments are closed.