Reysulwasaare Rooble oo sheegay in doorashooyinka laga bilaabi doono qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka

0
71

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ugu danbeyntii xukuumadu go’aansatay in la guda-galo doorashada, kaddib markii uu kulan la qaatay madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu muddo dheerba ku howlaneyd sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka jira doorashada iyadoo baaqyo kala duwan loo diray dhinacyada ay quseyso, hasse ahaatee ugu danbeyntii go’aansadeen in doorashada la guda-galo lagana bilaabo xarumaha maamul gobolleedyada diyaarka u ah qabashada doorashada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020, kaas oo aasaas u ah qabsoomida doorashooyinka iyo si ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Hadalka ka soo yeeray xukuumadda ayaa imanaya xili wali dhinacyada Puntland, Jubbaland iyo waliba Midowga Musharixiinta dood ka qabaan doorashada iyaga oo dalabnaya in la saxo qaladaadka jira ka hor inta aan doorashada la aadin,