Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud kana mid ah midowga musharixiinta dalka ayaa ayaa si adag uga jawaabay tallaabadii ay xukuumaddu ku go’aansatay in doorashada la qabanayo iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo.
Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid khatar ku ah sida uu hadalka u dhiggay midnimada dalka, isaga oo sheegay in aan wax la aqbali karo aheyn in la qabto doorasho hal dhinac oo kaliya ka socta.
Wuxuu sheegay in dalku halis gali doono haddii lagu sii socdo go’aanka doorasho ee xukuumaddu ku dhawaaqday, isaga oo intaa ku darray in aysan helin jawaabtii ay ka sugayeen dhinaca dowladda, laakiin ka war heleen oo kaliya go’aankan ay dowladdu qaadatay.
Xassan Sheekh ayaa intaa ku darray in marnaba madaxweynaha u socon doonin in dadka qaarna uu yiraahdo waa laga maarmaa kuwa kalana uu ciidan ku daabulo si xoog loogu maquuniyo, isaga oo intaa ku darray in mas’uuliyiintii ka hadashay doorashada aysan dadkoodu ku matalin go’aankaa isaga ah.
”Masiirkan dalka Suuq Madow ma’aha. mana wadi karaa afar ruux oo is jecel, waan tallaada dib loo celinayaa mar kalana leysugu yimadaa shir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xassan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh ugu danbeyntii oo ka hadlay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne iyo meelaha kale ee dalka u qaadanayaa micnahooda in doorashada lagu boobo.