Daawo Nabadoonka Beesha Hubeyr oo ka hadley dhacdadii shaley ka dacdey degmada walaweyn

0
67

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beesha hubeyr ayaa maalintii shaley ka dhacay degmada walaweyn, kulankaas oo uu kasoo dhexmuuqdey nabadoonka beesha hubeyr nabadoon Sheekh Axmed Gaambi.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadley Nabadoonka beesha hubeyr Sheekh Axmed Gaabi waxaana uu sheegay in dulmigaasi uu hormuud ka ahaa gudoomiyaha degmada walaweyn Maxamed Siidow.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhowr jeer ay dacwad ka gudbiyeen gudoomiyaha degmada kaasoo ay gaarsiiiyeen heer federaal iyo weliba heer maamul goboleed isla markaana aysan jirin cid wax ka qabatey tacdiyaadka uu ku hayo degmada.

Sheekh Axmed Gaambi ayaa hoosta ka xariiqey in degmada uusan ka jirin wax maamul ah waxaa kaloo uu sheegay xafiiska keliya ee degmada ka furan in uu yahay xafiiska gudoomiyaha inta kalana aysan laheyn wax xafiis ah isla markaana uusan ogoleyn in masuuliyiinta kale ay ka howl galaan degmada.