Dowlada oo ka hadashay ciidamo lagu soo bandhigey duleedka magalada muqdisho

0
156

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamo hubeysan oo muqaalkooda lagu baahiyay baraha Bulshada kuwaas oo la sheegayay in loo diyaariyay ka hortaga doorasho aan wada ogol aheyn oo ka dhacda Dalka.

Wasiir ku xigeenka wassaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala oo soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo iney waxba kama jiraan tahay ciidamada la sheegay iney kasoo horjeedaan doorashada ay ku dhawaaqday Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sido kale Warbaahinta iyo dadka wax qoro ugu baaqay ineysan hurinin oo aysan ka qeyb qaadan tabinta waxyaabaha colaada hurinaya.

Hadalka wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan lasoo bandhigay muqaalka ciidamo hubeysan lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho kuwaas oo la sheegay iney u diyaar garoobayaan ka hortaga doorashada Xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday.