Musharax madaxweyne Prof Cabdi Kuusow oo maanta kulan la qaatey odayaasha dhaqanka k galbeed

0
157

Musharx madaxweyne prof Cabdi kuusow oo maalintii shaley tegey magalada baydhaba ayaa maanta waxaa uu maanta kulan kula qaatey qaar kamid ah odayaasha dhaqanka koonfur galbeed.

Prof Cabdi kuusoow ayaa odayaasha dhaqanka koonfur galbeed ka wareystey xaalada guud ee gobolada koonfur galbeed, kulankaasi ayaa waxaa kasoo dhex muuqdey afhayeenka odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Malaad Deerow iyo Suldaan Xeydar.

Is xog weyeysi kadib ayaa Prof Cabdi Kuusoow waa uu odayaasha dhaqanka u sheegay in uu yahay musharax u taagan kursiga madaxweynenimo ee dowlada federaalka somaliya isla markaana uu u baahan yahay inay garab istaagaan.

Odayaashii halkaasi ku sugnaa ayaa si weyn usoo dhaweeyey musharaxnimada Prof Cabdi Kuusow waxaana aya sheegeen in ay garab taagan yihiiin isla markaana la shaqeyn doonaan.

Prof Cabdi kuusow ayaa inta uu ku sugan yahay magalada baydhaba waxaa uu kulamo noocan oo kale la qaaadan doonaa dhamaan ururada bulshada ee ku dhaqan magalada baydhaba iyo weliba culumaa’udiinka.

Prof Cabi kuusow aya ayaa noqonaya musharaxiii ugu horeeyey ee hor fariista odayaasha dhaqanka koonfur galbeed islamarkaana u sheega hamiga uu kaleeyahay siyaasada dalka.