Taliska Africom oo ka hadley duqeyn ay ka fuliyeen gobolka bay

0
216

War kasoo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka kaashadeen iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Buula Fuulaay.

War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab sidoo kalana lagu burburiyay mid ka mid ah xarumahoodii deegaanka.

Qoraal ayaa lagu yiri in duqeymaha noocan ah yihiin kuwo wiiqaya ama hoos u dhigaya awood kooxda ururka Al-shabaab oo qatar ku ah Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah intaba.