Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xaley mudo kooban la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel. Haddii si kale loo dhigana waxay Ceeldheere 30km u jirtaa Magaalada Dhuusamareeb.
Shabaabka ayaa deegaanka Ceeldheere ka soo weeraray kontoroolka ku yaala wadada laamiga ee aadda Magaalada Guriceel.
Wararka ayaa sheegaya in mintidiinta Al-Shabaab ay iska caabin kala kulmeen ciidamo boolis ah oo deegaankaasi ka hawlgala, inkastoo markii dambe ay u suurta gashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi, oo dhimasho iyo dhaawacba leh.