Madaxweynayaasha maamul goboleedyada hirshabeele iyo galmudug oo kulamoka wada magalada muqdisho

0
139

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Wasiirada, Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ugu jira Beesha Hawiye Xukuumadda. Iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladaha siyaasadeed, amniga, doorashooyinka ee deegaanada ay matalaan oo xilligan ka mid ah meelaha ugu liita ee xaaladahooda amni, horumar iyo adeegyo aas aasiga ah laga deyrinayo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay siweyn uga hadleen sidii amniga looga shaqeyn lahaa, doorashooyinka soo socda si ammaan uga dhici lahaayeen maadaama degaannada labada Maamul ee Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay mararka qaar ka dhacaan falal Amni darro.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada ay ka dalbadeen Madaxweynayaasha labada maamul Goboleed inay raadiyaan xuquuqda matalaadda Gobolka Banaadir, iyagoo ka faa’ideysanaya u dhowaanshahooda xilligan ee Dowladda Federaalka.