Taliska Africom ee mareykanka oo sheegey inuu dhameystireen ka bixitaanka dalka somaliya

0
56

Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa sheegay in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykanku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.