Gudiga xaqiiqo raadinta khilaafta kenya iyo somaliya oo ka warbixiyey wixii ay la kulmeen

0
133

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir la yeeshay wafdiga Djibouti ee IGAD ay u xil saartey xal-u-helidda khilaafka diblomaasiyaddeed ee dhex yaalla Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ayaa madaxweynaha u gudbiyey warbixin ka warrameysa xaaladda ammaanka ee ka jirta soohdinta u dhaxeysa dalalka Soomaalia iyo Kenya, oo ay booqdeen.

Danjiraha Jabuuti ee Kenya Yaasiin Cilmi Buux oo Guddiga Hogaaminaya ayaa sheegay inay tageen Goobaha Xaduudaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay u qiimeeyaan xaalada meesha kajirta.

Waxaa uu sheegay inay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Xaduudka ku sugan, kuwa Kenya iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM si ay u xaqiijiyaan cabashada dowladda Soomaaliya ee ah in Dowladda Kenya ay maleeshiyaad hubeyneyso si ay u weeraraan degmada Beledxaawo.