Madaxweynaha maamulka hirshabeele oo muqdisho kulan la qaatey xildhibanada baarlamanka ku metela hirshabeele

0
65

Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ku matala Hirsahbeelle.

Xildhibaannada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay madaxweynaha Hirshabeelle ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka madaama xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Hirsahbeelle iyo xaalada guud ahaan deegaannada maamulkan.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo xildhibaannada ayaa ilo ku dhaw dhaw kulanka waxaa ay sheegayaan in ay isla soo qaadeen sidii xal loogu heli lahaa kacdoonka iyo diidmada ka dhan ah maamulka Hirshabeelle ee ka jira gobolka Hiiraan.