Midowga musharixiinta oo walaac ka muujiyey askarta tababarka loogu qaaday dalka eriteraya

0
55

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada ciidamadii tobabarka loogu qaaday Ereteriya, xili ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalinyaradaas ay muujinayeen cabasho balaadhan.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wal-walka iyo walbahaarka la qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda kaga maqan yihiin Ereteriya.

Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo cabashada kasoo yeeraysa waalidiintaas, oo walaac ka qaba halka ay ku dambeeyen carruurtoodii la geeyay Ereteriya, kuwaasi oo lasoo warinayo inay ka qeyb galeen dagaalkii qaraara ee TPLF.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka jawaabo cabashada waalidiitaas, isla markaana uu faah-faahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas iyo xaaladooda caafimaad.