Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.
“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo.. waa wakiilka dowlad goboleedyada,waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkan”
Wuxuu dhanka kale sheegay in uu ka xun yahay in aanan lagu casuumin shirka maadama Aqalka Sare uu waajib ka saaran yahay xallinta khilaafka soo gala dhexgala dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaya xilli loo diidey in uu ka qeyb galo kulanka ka furmey magaalada Dhuusamareeb kaasoo ay ku kulansan yihiin madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.