Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka gaar ahaan Soomaaliland oo goordhaw Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne Qaran oo looga hadlaayo xaaladdaha dalka iyo doorooshada.
Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay shirka wadatashiga ee maanta Dhuusamareeb uga furmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyagoona sheegay inuu yahay shirkaasi mid aanan loo dhameyn.