Xukuumada iyo maamul goboleedyada oo maanta kulan uga furmey magalada dhuusamareeb

0
47

Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug shirka wadatashiga dowladda Fedaraalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa looga hadli doona arrimaha siyaasadeed ee wadanka sida qilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhaceyso iyo sida xal loogo gaari lahaa, walow ay si aad ah ugu kala aragti duwan yihiin xubnaha ka qeyb galaya shirka.

Dadka saadaaliya arimaha somaliya ayaa waxaa sheegayaan in kulanka uusan waxba ka badelneyn kulamadii horey loogu qabtey magalada dhuusamareeb natiijadana ay u badan tahay in ay kusoo dhamaato is afgan waa hadii aan xukuumada farmaajo waqti kordhin loo sameyn.

Kulankan ayaan aheyn kulan ay dhamaantood raalika wada ahaayeen inuu dhoco waxaana ku qasbey beesha caalamka wixii kasoo kordhana weynu aki doonaa saacadaha soo socda.