Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii shacabka ku dhaqan magaalada ay mar qura kusoo tooseen dagaal waqti kooban ku dhaxmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo ciidamada Booliiska Hirshabeelle kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa qarxay abaare 06:30 daqiiqo wuxuuna si toos ah u dhexmaray ciidamada Booliiska Hirshabeelle iyo kuwa Jenaraal Xuud inkastoo aanan wali la sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay gudaha Baledweyne.
Ciidamada Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa weerarka kusoo qaaday ciidamo Booliis ah oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baledweyne si ay uga hortagaan Banaanbaxyo looga soo horjeeday Hirshabeelle oo lagu waday in maanta aay sameyaan shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.
Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubeey oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale inoo sheegay in u jeedada weerarkooda saaka uu ahaa iney xabsiga kasoo dayaan ilaa lix ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ku xiran xabsiga Nabad-sugida xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.