Warbaahinta daafeet media ayaa si ay u ogaato xogta dhabta ah ee ka taagan degmada walaweyn waxaa ay wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatey nabadoonka beesha hubeer nabadoon Sheekh Axmed Gaambi.
Nabadoonka ayaa waxaa wax laga weydiiyey waxa uu salka ku hayo dagaalka soo noqnoqdey ee u dhexeeya beelaha shanta caleemood iyo beesha gaal jecel waxaana uu sheegay in khalaafka horaatiisa la isku heystey dhul balse tan dagaalka soo dedejisay ay tahay isbaarooyinka ay dhigteen gudaha degmada.
Dhinaca kale nabadoonka ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka shaqo ee maamulka degmada u shaqeeyo taasoo uu ku tilmaamay in degmada uu ka shaqeeyo oo keliya gudoomiyaha degmada inta kalana ayasan halkaasi ka heyn wax shaqo ah hadii ay damcaana aysan ka shaqeyn karin gudomiyaha.
Nabadoonka ayaa sheegay in degmada ay soo gaaraan mucaawino badan balse aysan mucaawinadaasi gaarin dadka loogu tala galey, Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqey in dhaqaalaha laga arurriya ganacsada iyo gaadiidleydana ay yihiin kuwo uu gudoomiyaha degmada keliya siduu doono ka yeelo.
Si kastaba arintu ha ahaatee degmada walaweyn ayaa ka mid ah degmooyinkii xili hore laga xoreeyey alshabab balse marka aad eegto qaabka ay hoosheeda u socto waxaa uu kuusoo baxaya in aysan waxba dhaamin degmooyinka weli ku jira gacanta alshabab maadaama kooxo yar ay ku tagri falaan dhaqaalaha iyo mucaawinada tagta degmada.