Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay qalalaase dastuuri ah iyo mid siyaasadeed hadii la gaaro 8-da February iyadoo aan laga heshiin siyaasadii looga samatabixi lahaa xaaladda kala guurka.
Kheyre ayaa shaashadaha kasoo muuqday mar kale, wuxuuna ka qeyb galay madal ay soo qaban qaabiyeen machadka Chatham House oo uu kaga qeyb galay habka fogaan aragga, waxaana looga hadlayay arrimaha ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya.
Kheyre oo noqday ra’iisul wasaarahii ugu wakhtiga dheeraa kadib burburka ayaa sheegay iney waajib tahay in la gaaro xal deg-deg ah si looga samatabaxo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur oo uu dalka galo.
Xasan Cali Kheyre waa mid ka mid ah musharaxiinta kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda sii dhamaanayo, inkastoo uu kooxda talada heysa lasoo shaqeeyay muddo badan hadana hadda wuxuu ku jiraa midowga musharaxiinta.