Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa sheegay inuusan barlamaanku u qorshaysnayn in ay muddo kordhin u sameeyaan madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadiisa.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay furitaanka kulan aan caadi ahayn oo madaxweyne Farmaajo isugu yeeray xildhibaanada aqalka hoose ayaa sheegay in fadhigooda maanta uu ku saabsan yahay sida ay dalka doorasho uga dhici karto, mar haddii lagu guulaysan waayay in lagu heshiiyo doorashadii dad banayd.
Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in barlamaanka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu xal ka keeno arrimaha doorashada mar haddii lagu heshiin waayay in doorasho dalku aado.
Waxaa kale oo gudoomiyuhu sheegay in fadhigooda uusan qeyb ka ahayn golaha aqalka sare, taasoo keentay in hoolka laga saaro xildhibanno ka socday aqalka sare oo qorshaynayay in ay qeyb ka ahaadaan kulanka.